03/08/2026
🌱 SUPER NAPIER GRASS – XAL CASRI AH EE ABAARAHA.
Dalkeennu waxa uu si joogto ah ula kulmaa abaaro soo noqnoqda, kuwaas oo sababay xaaluf iyo hoos-u-dhac ku yimid dhulkii daaqa. Waxa intaas sii dheer deegaamaynta, jarista dhirta iyo daaqa xad-dhaafka ah (Overgrazing) oo si weyn u saameeyey deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.
Si aynu uga gudubno caqabadahan, waxa muhiim ah in aynu u gudubno nidaamka casriga ah ee Intensive Livestock Farming, kaas oo ku salaysan in xoolaha loo sameeyo calaf tayo leh oo si qorshaysan loo beero, taas oo gacan ka geysanaysa kordhinta wax-soo-saarka caanaha iyo hilibka, isla markaana yaraynaysa cadaadiska lagu hayo dhulka daaqa.
🌿 Super Napier Grass waa mid ka mid ah calafyada si wanaagsan ugu habboon xaaladaha dalkeenna, isaga oo leh wax-soo-saar badan iyo nafaqo wanaagsan marka si habboon loo maareeyo.
📌 Xubnaha Super Napier Grass waa diyaar!
🔹 1 Hectare (100m × 100m): 10,000 xubnood
🔹 ½ Hectare: 5,000 xubnood
🔹 ¼ Hectare: 2,500 xubnood
📦 Xaddi kasta oo aad u baahan tahay waa kuu diyaar.
👉 Ka dalbo Haqab-Tirre Agricultural Services oo ka faa’iidayso xal casri ah oo kaa caawinaya in aad si joogto ah u soo saarto calafka xoolaha, korna ugu qaaddo wax-soo-saarka beertaada iyo xoolahaaga.