01/06/2026
Muxuu Yahay Culayska Siyasaded Sobobay Inuu Wadani ku Biiro Ex Maayar Aamiin
----------------------------------------------------
Maayarkii H**e Ee Gabiley Maxamed -aamiin cumer Oo Maanta hadhimo sharafeed ay ku maamuseen masuliyiinta xukumada ku matala g.gabiley Ayaa Sheegay inanu Xisbiga wadani ugu Soo Biirin si uu xil u helo Oo Aanu doonaynin xil wasiirnimo ama badhsaabnimo Amaba Mansab Raadin midna .
Islamarkaana ujeedadiisu tahay in qaranka uu la shaqeeyo oo kaliya
Waxanu xusay inuu ku daba faylayo xubnaha ay isku haybta yihiin ee xisbiga Wadani uga soo horreeyay ee tabaca soo gashaday oo Iyaga garabjoogsan doono .
Ex maayar aamiin waxa uu carabka ku dhuftay inuu xisbiga ku yimid si bilaa shuruud ah oo aanu jirin wax Shuruud ah oo uu ku xidhay ku Soo biiristiisa xisbiga wadani,
Maxamed aamiin Waxa uu iftiimayay in madaxwaynahana ay kawada hadleen wada shaqaynta horumaraka qaranka oo kaliya
Hadal kaasi oo daaha ka rogay in uu jiro culays ku khasbay kuu biirista xisbiga wadani
Sidoo kale waxay cadanaysaa inuu magangalyo doonyahay oo lagu rakaateeyay dayntaasi
Waxana jira Codsi la xidhiidh arintaasi Oo uu ka dalbday masuuliyiinta goobta ku sugnaa sidii arintaa ugula shaqayn lahayeen (Daynta)
Cabdirashiid Ismaciil