Sahid MI Engineering

Call Website

Sahid MI Engineering Assembling & Repairing trailer truck
Assembling & Repairing tank truck
Ass & Rep fuel storage tank

18/09/2026

πŸš› SINO TRUCK – POWER, DURABILITY & PERFORMANCE

Looking for a heavy-duty truck built to handle tough jobs and demanding roads?

SINO TRUCK delivers the power, strength, and reliability your business needs.

βœ… Powerful performance
βœ… Heavy-load capacity
βœ… Strong and durable design
βœ… Built for demanding working conditions
βœ… Suitable for different types of businesses

Assembling & Repairing trailer truck
Assembling & Repairing tank truck
Ass & Rep fuel storage tank

Marka shaqadu culus tahay, qalabku waa inuu noqdaa mid la isku halayn karo.Sahid MI Engineering waxay ku dhistaa tayo, a...
17/09/2026

Marka shaqadu culus tahay, qalabku waa inuu noqdaa mid la isku halayn karo.

Sahid MI Engineering waxay ku dhistaa tayo, adkaysi iyo xalal injineernimo oo loogu talagalay shaqooyinka adag.

Maxaa Keena In Mashruuc Fashilmo?Mashruuc guuleysta wuxuu u baahan yahay qorshe sax ah, naqshad tayo leh iyo fulin xirfa...
15/09/2026

Maxaa Keena In Mashruuc Fashilmo?

Mashruuc guuleysta wuxuu u baahan yahay qorshe sax ah, naqshad tayo leh iyo fulin xirfadeysan. Marka khibrad iyo farsamo la isku daro, natiijadu waxay noqotaa shaqo lagu kalsoonaan karo.

Sahid MI Engineering β€” Tayada iyo Khibradda oo Isku Jira.

Tayada mise qiimaha kee muhiim ah?Marka la dooranayo adeegga injineernimada, tayada shaqadu waa waxa dhisa kalsoonida, a...
13/09/2026

Tayada mise qiimaha kee muhiim ah?

Marka la dooranayo adeegga injineernimada, tayada shaqadu waa waxa dhisa kalsoonida, adkaysiga iyo natiijo waarta.

Adigu kee ayaad mudnaanta siin lahayd: tayada mise qiimaha?

CHUMA KARIM πŸŽ‰ HAMBALYO SANNADKA CUSUB EE ITOOBIYA! πŸ‡ͺπŸ‡ΉCEO GUUD Ee Sahid Business Group  MUDANE ABDIRAHMAN SAHID wuxuu ham...
11/09/2026

CHUMA KARIM

πŸŽ‰ HAMBALYO SANNADKA CUSUB EE ITOOBIYA! πŸ‡ͺπŸ‡Ή

CEO GUUD Ee Sahid Business Group MUDANE ABDIRAHMAN SAHID wuxuu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa shaqaalaha, macaamiisha, bah-wadaagta ganacsiga iyo dhammaan shacabka Itoobiya munaasabadda Sannadka Cusub ee Itoobiya.

Waxaan idiin rajaynaynaa sannad cusub oo ku bilowda Nabad, barwaaqo, caafimaad, midnimo iyo horumar.

Sahid waxay mar walba ka go’an tahay inay ka qayb qaadato horumarka dalka, iyadoo sii xoojinaysa adeegyada, wax-soo-saarka iyo iskaashiga bulshada iyo ganacsatada.

🌟 Sannad cusub oo farxad, guul iyo barwaaqo leh ayaan idiin rajaynaynaa dhammaantiin!

Happy Ethiopian New Year! 🎊πŸ‡ͺπŸ‡Ή

πŸš› Gaadhiga Gaarka u ah Baahida SoomaalidaGaadhigan waa gaadhi si gaar ah loogu sameeyo baahida iyo shaqada bulshada Soom...
10/09/2026

πŸš› Gaadhiga Gaarka u ah Baahida Soomaalida

Gaadhigan waa gaadhi si gaar ah loogu sameeyo baahida iyo shaqada bulshada Soomaalida β€” nooc si weyn looga isticmaalo deegaanada somalida , halka aanu caadi ahaan uga mid ahayn gaadiidka ay isticmaalaan bulshooyinka kale ee Itoobiya.

Waxaa loo qaabeeyey si uu ula jaanqaado habka ganacsi iyo nololeed ee Soomaalida, isagoo awood u leh inuu qabto shaqooyin kala duwan; laga bilaabo qaadista xoolaha ilaa alaabaha iyo agabka kale ee ganacsiga.

Adkaysi, awood iyo shaqo badan β€” hal gaadhi oo baahida Soomaalida si gaar ah looga jawaabay. πŸ’ͺπŸš› power

Shaqo degdeg ah mar walba ma aha shaqo wanaagsan.Engineering-ka, waxa muhiimka ahi ma aha oo keliya in shaqadu si dhaqso...
10/09/2026

Shaqo degdeg ah mar walba ma aha shaqo wanaagsan.

Engineering-ka, waxa muhiimka ahi ma aha oo keliya in shaqadu si dhaqso ah u dhammaato waa in ay noqoto mid tayo leh, sax ah, ammaan ah, oo muddo dheer shaqayn karta.

Sahid MI Engineering waxaan aaminsanahay in tayada shaqadu ay tahay waxa lagu cabbiro xirfadda.

Adigu maxaad dooran lahayd shaqo degdeg ah mise shaqo tayo leh?

HAL ERAY KU QEEX SAHID MI ENGINEERING!Haddii aad Sahid MI Engineering ku qeexi lahayd HAL ERAY oo keliya, maxaad dooran ...
08/09/2026

HAL ERAY KU QEEX SAHID MI ENGINEERING!

Haddii aad Sahid MI Engineering ku qeexi lahayd HAL ERAY oo keliya, maxaad dooran lahayd?

Comment-ka hoose ku qor hal eraygaaga!

Aan aragno erayga ugu badan ee dadku isticmaalaan!

Kadib soo dhaweyntii diirranayd ee masuuliyiinta Dowladda Deegaanka Soomaalidu ay magaalada Jigjiga ugu sameeyeen wafdi ...
07/09/2026

Kadib soo dhaweyntii diirranayd ee masuuliyiinta Dowladda Deegaanka Soomaalidu ay magaalada Jigjiga ugu sameeyeen wafdi isugu jiray masuuliyiin heer Federaal ah, madax kala duwan iyo ganacsato, ayaa wafdigu booqasho rasmi ah ku yimid Shirkadda Sahid Metal Industry Engineering.

Booqashadan waxay ahayd fursad muhiim ah oo martidu ay si dhow ugu soo arkeen heerka wax-soo-saarka, awoodda farsamo, tayada badeecooyinka iyo adeegyada ay Sahid u hayso bulshada iyo suuqa.

Intii ay booqashada ku jireen, wafdiga waxaa loo soo bandhigay kaalinta muhiimka ah ee Sahid ku leedahay horumarinta warshadaha, kobcinta wax-soo-saarka gudaha, shaqo-abuurka iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Booqashadan qiimaha badan waxay muujinaysaa muhiimadda ay leedahay in la taageero warshadaha maxalliga ah iyo shirkadaha ka shaqaynaya horumarinta dhaqaalaha, iyadoo Sahid ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan hal-abuur, wax-soo-saar tayo leh iyo ka qayb qaadashada horumarka deegaanka iyo dalka.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa dhammaan masuuliyiintii iyo ganacsatadii nagu soo booqatay Sahid, waxaana ku faraxsanahay inaan la wadaagno aragtidayada iyo waxqabadka aan ku dhisayno mustaqbal wax-soo-saar iyo horumar leh.

Sahid Metal Industry Engineering β€” Hal-abuur, Wax-soo-saar iyo Horumar.

BOOQASHO SHARAF LEH OO AY SAHID KU QAABISHAY WASIIRKA ARRIMAHA BULSHADA EE DALKA JABUUTI πŸ‡©πŸ‡―πŸ€Shirkadda Sahid Business Gro...
05/09/2026

BOOQASHO SHARAF LEH OO AY SAHID KU QAABISHAY WASIIRKA ARRIMAHA BULSHADA EE DALKA JABUUTI πŸ‡©πŸ‡―πŸ€

Shirkadda Sahid Business Group waxay si sharaf iyo farxad leh u qaabishay Wasiirka Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Jabuuti, oo booqasho ku yimid xarunta Warshada casriga ah ee Sahid.

Wasiirka ayaa si weyn ula dhacay heerka sare ee wax-soo-saarka, tayada adeegyada iyo horumarka warshadaha ee Sahid. Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, wuxuu si gaar ah u bogaadiyey shaqada iyo horumarka muuqda ee shirkaddu ka hirgelisay deegaanka.

Wasiirka ayaa sheegay in horumarka iyo wax-soo-saarka uu ku arkay Sahid uu yahay mid aad u sarreeya, isla markaana adeegyada iyo awoodda wax-soo-saarka ee shirkaddu gaadhay ay yihiin heer uu tilmaamay inaan wali si buuxda looga gaadhin dalkiisa Jabuuti.

Booqashadani waxay markhaati u tahay horumarka ay Sahid ka samaysay kobcinta wax-soo-saarka gudaha, hirgelinta warshado casri ah, abuurista fursado shaqo iyo bixinta adeegyo tayo sare leh.

Sahid Business Group waxay sii waddaa safarkeeda horumarineed, iyadoo ku faanaysa inay qayb muuqata ka qaadato horumarka deegaanka iyo kobaca dhaqaalaha gobolka.

Sahid Business Group β€” Hal-abuur, Wax-soo-saar iyo Horumar.

Address

Garab Ase Infront Of SRS President Office, Jigjiga
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahid MI Engineering posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share